Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Gobolka Gedo

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ waxa ay ka wadaan deegaannada u dhaxeeya Degmooyinka Luuq & Doolow ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaana meelaha qaar ka dhacay iska hor imaad dhexmaray labada dhinac.

Taliyaha Guutada 10aad ee qaybta 43aad Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cismaan Niiniile ayaa sheegay in ciidamadaan ay sii wadayaan howlgallada lagu sugayo amniga gaar ahaan isu socodka Luuq iyo Doolow.

Gaashaanle Sare Cismaan ayaa tilmaamay in ciidamada Dowladda ay ka go’an tahay joogtaynta howlgallada ay wadaan sida uu sheegay waxa ay uga hortagayaan in kala xirmaan isu socodka Waddooyinka muhiimka ah ee isku xira Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa ku sugan ciidamo badan oo katirsan Dowladda Federaalka waxaana dhowaan tababar soo dhammaystay ciidan in muddo ah ku xaraystaan qaar kamid ah Xeryaha ciidamada ee Gobolkaas ku yaalla.