Ciidamada dowladda Imaaraadka Oo Sheegtay in ay qabatay diyaarad Qaraxyo wadday oo ay leedahay Iraan.

Ciidamada dowladda Imaaraadka Carabta ee ku sugan Dalka Yemen ayaa gacanta ku dhigay diyaarad ay sheegeen in ay waddo qaraxyo xoog leh.

Diyaaradda ayey sheegeen in ay ka buuxeen walxaha qarxa,waxaana ay ku sheegeen in Iraan ay la damacsaneyd in ay ku weerarto Saldhigyada Ciidamada Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee ka dagaallama dalka Yemen.

Milatariga Imaaraadka qeybta ku taqasusay Qaraxyada ayaa sheegay in Diyaaradda nooceedu yahay Qassef-1,taas oo lagu qabtay Xeebaha Badda cas ee dalka Yemen.

Ciidanka Imaaraadka ee jooga Dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegeen in Diyaaraddaas haddii ay qarxi lahayd ay saameyn taban ku yeelan lahayd isu socodka Biyaha Badda Cas ee dalka Yemen,sidoo kalena ay khasaare nafeed u geysan lahayd boqolaal dad ah.

Dowladda Iraan ee lagu eedeeyay in ay leedahay diyaaraddan wali kama hadlin eedda loo jeediyay.

Dowladda Iraan waxaa ay taageertaa Xuutiyiinta Waqooyiga Yemen kula dagaallama Dowladaha Isbaheysiga ah ee uu hoggaaminayo Sucuudiga