Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka oo is kaashanaya ayaa maanta howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxayna ku guuleysteen in ay ka xoreeyaan deegaanada Beero-Yabaal, Bur-Abooto, Eega-Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay howlgalladii maanta dhacay ay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Taliyaha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyadii cadowgu ay ku dhuumaaleysanayeen, kana furteen hub iyo saanad ciidan oo nooc walba leh, sidoo kale ciidamada ayaa weli sii baacsanaya firxadka Khawaarijtii maanta lagu jebiyey dagaalka deegaanadaas loogu xoreeyey.

