Ciidamada Dowladda oo dib Ugu Soo laabtay degmada Balcad Kadib dagaal Xalay Kadhacay Degmadaasi

Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah qaatay.

Al-Shabaab ayaa degmada Balcad xalay kasoo weeraray Saddex jiho oo kala ah laba wado oo jaay ah kana timaada dhinaca degmada Afgooye iyo wada ka timaada dhinaca degmada Jowhar halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad,waxana dagaalkii halkaasi ka dhacay kula wareegeen degmada Balcad.

Majirin khasaaro ka dhashay dagaalkaas marka laga reebo hal qof oo Shacab ah oo dhaawac fudud uu soo gaaray,waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay guud ahaan la wareegeen degmada,isla markaana Saldhiga degmada Balcad oo Maxaabiis ku xirneyd ay siidaayeen, Xarunta degmada iyo Xarunta taliska Ciidanka Nabadsugida degmada Balcad.

Degmada Balcad oo ka kooban laba qeybood ayaa Al-Shabaab waxa ay la wareegeen inta ugu badan degmada,waxaana qeybta kale ee degmada Balcad oo ay ku taallo Warshadii hore ee dharka ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo intii uu dagaalka socday hoobiyeyaal ay ku garaaceen qeybo ka mid ah degmada wallow aysan geysan wax khasaaro ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in Al-Shabaab ay gudaha degmada Balcad ku gubeen Gaari uu lahaa Xildhibaan Xasan Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Gaari uu lahaa Agaasimaha Radio Balcad oo lagu Magacaabo Cabdi Xakiin Xuseen Islow sidoo kale Al-Shabaab waxa ay gubeen Gaari iyo Dukaan uu lahaa Nin lagu Magacaabo Aw-Daahir oo ah Madaxa Shatiyada Gaadiidka degmada Balcad.

Abaara 12:00 Habeenimo ayaa Al-Shabaab ay guud ahaan isaga baxeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo mudo saacado ah ay heysteen waxaana dib ugu soo laabtay ciidamada dowladda oo markii hore isaga baxay.

A-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkii xalay ee degmada Balcad ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda,hayeeshee majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya, waana markii labaad oo ay Al-Shabaab la wareegaan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana Bishii Maarso Sanadkii tegay ee 2018 ay Maalin Jimco ah la wareegeen wallow markii dambe ay dib uga baxeen.