Ciidamada dowladda oo la wareegay Buunda Araare

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay la wareegeen degaanka Buunda Araare oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Jammaame ee gobolka Jubbadda Hoose.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ma jirin wax dagaal ah oo degaankaasi ka dhacay.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in markii ay degaankaasi kusoo dhawaadeen in ay ka baxeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda ku sugan degaan u dhow Buunda Araare oo maanta laga qabsaday.