Ciidamada dowladda oo Lawareegay Kacan kuheynta degaano ka tirsan Sh/dhexe

Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta degaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, halkaasi oo ay isaga baxeen al Shabaab.

Degaanka Gamboole ayaa qiyaastii 50-KM u jira Magaalada Jowhar, waxaana halkaasi ku yaali jiray maxkamad Al Shabaab ay ku leeyihiin oo dadka Magaalada Jowhar ee isqab qabsiga dhulalka iyo arrimaha kale isku haysta Shabaab ay ku kala saari jireen.

Ciidan ka tirsan kuwa Xoogga dalka ee Mareykanka uu tababaro, ayaa saaka aroortii ku duulay degaankan, xilli ay isaga baxeen ciidamadii Al Shabaab iyo maamulkoodii.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen Shabaab wax dagaal ah inuusan halkaasi ka dhicin, waxaana hadda degaankaasi gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.