Ciidamada dowladda oo soo afjaray weerarkii kooxda Al Shabaab ku qaadeen meelo kamid ah Muqdisho

Jimco, Feb 24, 2018(GNN) Ciidamada dowladda federaalka Soomaiya ayaa soo afjaray howlgalkii looga hortagayay kooxo ka tirsan Al shabaab oo caawa weeraro ismiidaamin iyo qaraxyo ah meelo kala duwan oo Muqdisho ah.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow  ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray howlgalkaasi,islamarkaana ciidanku ay dileen ilaa 5 ka tirsan maleeshiyada Shabaab ee weerarkaan soo qaaday.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay Barkinkga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT,sidoo kale Gaari  saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin Sayidka,ciidamada oo horey uga feejignaa gaariga ayaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday maleeshiyaad ilaa 3 qof ahaa ,iyadoo Daqiiqado kadib uu gaarigaasi uu ku qarxay aga-gaarka Taalada Dhagaxtuur.waxaa ay qaraxyadaan kusoo beegmeen xili heegan sare lagaliyay Ciidamada Qaranka soomaaliya kadib la helay xog ah in ay gawaari qarax wadaa ku jiraan magaalada Muqdisho.

Waxii kasoo kordha waxaad kala socon doontaan {GNN.}

Abdijamal Moalim Ahmed

Radiogalgaduud.com

Abduljamal20@gmail.com

Info@radiogalgaduud@gmail.com