Ciidamada dowladda soomaaliya oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Taliyaha Ururka 49 ee Ciidamaad Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ka dhan ah  Al shabaab oo ay Ciidamada ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Taliye C.fitaax Maxamed Turbac ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo halkaasoo  horay ay u joogeen Al-Shabaab.

Degaanada laga qabsaday Al-Shabaab ayaa ku dhow xadka Gobolka Gedo iyo Jubbada Hoose ay wadaagaan,sida degaanka Caanaale iyo tuulooyin kale

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.