Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Dib Ula Wareegay Degmada Balca

Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay Gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dagaal kooban oo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab marka hore ku dhexmaray duleedka degmadaas ayaa dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen in ay Al-Shabaab markii dambe ay la wareegeen degmada Balcad.

In kastoo uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas oo soo gaaray dadka shacabka ah iyo Ciidamada dowladda ayaa hadana waxaa soo baxaya warar kala duwan.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay la wareegen degmada Balcad, kadib markii Ciidamada dowladda ay isaga baxeen,waxana la sheegay in ay burburiyeen Xarumihii Maamulka degmada Balcad,maxaabiis Saldhiga ku xirneyd ay siidaayeen,iyaga oo qaatay Idaacad Fm ah oo ku taalay degmada oo lagu Magacabi jiray Radio Balcad.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ay daqiiqado ka hor isaga bxeen degmada Balcad, isla markaana haatan ay dib magaalada ugu laabteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xaalada degmada Balcad ayaa hadda degan,waxaan jira qorsho lagu ogaanayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkii dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda iyo Shabaab.