Ciidamada ammaanka Galmudug ee ku sugan Koonfurta Gaaalkacyo ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaaladaas, kaas oo guul kusoo idlaaday.
Ciidamada ayaa howlgalladan ku qabtay laba gaari oo kuwa dadweyne ah, isla markaana sahay u wadday kooxda oo dib u qabsatay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
“Ciidanka Booliska Degmada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay labo gaari oo BL ah, kuwaas oo urarnaa Kooxda Khawarijta AS” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka degmada.
Labada gaari ayaa lagu qabtay koontarool lagu hubiyo gaadiidka, iyaga oo kusii jeeday dhanka Al-Shabaab.
“Baabuurtaan ayaa siday agab iskuugu jira daawo iyo cuntooyin kala duwan, waxaana lagu qabtay baraha kontarool ee Gaalkacyo, xilli ay socodeen degaanada ururkaan ay xukumaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Mudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo mar kale dib isugu fidineyso gobolkaasi, ayada oo fursad ka heshay dib u gurashadii ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.