Ciidamada Galmudug Oo Soo Afjaray weerarkii Gaalkacyo

Ciidanka Galmudug ayaa soo Afjaray weerar Qaraxyo iyo toos ahaa oo saakay lagu qaaday xarunta Xerta Wadaadka Cabdiweli oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay gacanta ku dhiggaan mid ka mid ah raggii galay xarunta Weerarka ka dib, waxaana hadda uu ku jira gacanta Ciidanka maamulka Galmudug.

Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare ayaa lagu dilay weerarkaasi sidda ay xaqiijiyeen Hay’addaha Ammaanka Galmudug.

Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa.

Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Al-Shabaab digniin ugu dirty.