Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay ciidamada badda Hindiya ka fuliyeen xeebaha bari ee Puntland, kaas oo lagu beegsaday burcad badeed dhowaan afduubatay markabka Ruen oo marayay badda cas.
Markabka oo ah xamuul, isla markaana uu ka babanaayay calanka Malta ayaa waxaa rasaaseeyay Burcad badeeda, kadibna afduubtay, iyaga oo la tegay xeebaha EYL.
Ciidamada Hindiya ee howlgalka qaaday ayaa hareereeyay markabka, waxayna ka dalbadeen burcad badeedda inay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda.
Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare uu ka dhashay howlgalkan, isla markaana la dhaawacay qaar kamid ah burcadda saarnayd markabka.
Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax oo la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyay dhacdadaan, wuxuuna sheegay xittaa in dab uu qabsaday markanba, sidoo kalena ay waxyeelo gaartay qaar kamid ah burcad badeedda.