Ciidamada Ilaalada deegaanka iyo Waaxda Nadaafada Oo Howlo burburin ah Ka Sameeyay Muqdisho

Ciidamada Ilaalada deegaanka iyo Waaxda Nadaafada Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolkan Banaadir ayaa xalay waxaa ay siwadajir ah howlo burburin iyo nadaafad ah uga sameeyeen goobo Ganacsi oo ku yaalla wadada Maka-Almukarama ee Magalada Muqdisho.

Howlaha burburinta ayaa waxaa sigaar ah looga sameeyay Hareeraha wadada Maka-Almukarama,waxaana Ciidamada Ilaalada deegaanka ay burburiyeen Sandaqado iyo miisas yaryar oo dad ay Ganacsiyo ka sameysteen,waxaana Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inay sharci darro tahay ku Ganacsiga hareeraha Wadada.

Intii ay socdeen howlaha burburinta ayaa waxaa halkaasi tegay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng Yariisow,isaga oo sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo dib u soo celinta bilicda Caasimadda.

Gudodomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdirxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in laga bilaabo km4 ilaa Ex-Koontorool Afgooye ee wadada Maka Almukarama ay tahay sharci darro in wadada laamiga ah qeybo ka mid ah lagu Ganacsado.

Waxaa uu sheegay in Ganacsiga iyo wasaqda ka dhalata ay keeni karto nadafaad darro iyo cuduro kala duwan,waxaana Duqa Muqdisho Eng Cabdirxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu digniin u diray dadka ku Ganacsada hareeraha Wadada Maka Al-Mukarama oo qaarkood Ganacsigooda soo geliyay qeyb ka mid ah wadada.