Ciidamada Itoobiya & ‘AS’ ayaa ku dagaalamay deegaanka Booco oo ku dhaw degmda Rabdhuure ee Gobolka Bakool, ciidamadaan Itoobiyaanka ah ayaa u socday Degmada Waajid sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Dagaalkaan ayaa dhaliyay dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed oo dhinacyada dagaalamay soo gaaray sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaana la maqlayay qaraxyo xooggan oo ah qoryaha nooca culus.
Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa gurmad u sameeyay kolonyada la weeraray waxaana halkaas ka dhacay dagaal cusub oo geystay khasaara horleh sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo deegaanka ah.
Askarta Itoobiya ee ku sugan deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa saldhigyo waaweyn waxa ay ku leeyihiin deegaannada xiga xadka oo halkaas waxa ay ka ilaaliyaan dhaqdhaqaaqa dadka gudbaya.