Ciidamada Itoobiya Oo Qarax lagu la Eegtay Degaan Katirsan G\Hiran

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka la helayo ayaa sheegay in Kolonyada qarax Miino lagula eegtay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan xili ay ku socdaalayeen halkaas,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaas ayaa sigaar ah u haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya,kuwaasi oo isaga kala gooshayay laba saldhig oo ay ku leeyihiin  Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoo sheegay dhimasho iyo dhaawac ay ka soo saartay 20 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Inta badan Al-shabaab ayaa qaraxyo kala duwan la eegta Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xiliyada ay socdaalka ku marayaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka,waxaana ka dhasha Khasaaro kala duwan.