Ciidamada Jubbaland Oo Soo Bandhigay Keydkii Ugu Weyn Ee Kooxda AS

Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta soo bandhigay keydkii ugu weynaa ee Khawaarijta, kadib markii ay fuliyeen howlgal afar (4) maalmood ka socday howdka degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu jabiyay Khawaariijta, loogana furtay saanad ciidan oo xoog leh.
Ciidamada oo burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ayaa soo bandhigay xarumihii saadka, isgaarsiinta, keydadkii qaraxyada iyo hubka ee Khawaarijta, kuwaas oo ay u adeegsan jireen weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku dileen in ka badan 60 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan.
Ciidamada ayaa maanta soo bandhigay qalab u badan miinooyin iyo qoryo laga furtay cadowga Khawaarijta ah, maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub iyo agab kale oo argagixisadu ay adeegsan jireen.