Ciidamada Maamulada puntland iyo Somaliland Oo kudagaalamay Degaanka tukaraq ee Gobolka sool

Wararka naga gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa warbaahinta  u sheegay in ku dhawaad Saac uu socday iska horimaadka.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland.

 Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa hadda degan, balse waxaa jirta wali Xiisad colaadeed.

Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq.

Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa.