Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle Oo Xabsiga Dhigay Ganacsato La Kulantay Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Magaalada jowhar lagu xiray qaar ka mid ah Ganacsatada Magaaladaas.

Ganacsatada la xiray ayaa wax ay gaarayaan ilaa 17, waxana lagu eedeeyay in deegaanka Gamboole oo 50km ka xiga dhinaca galbeed Johwar kula kulmeen Masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab.

Ganacsatada la xiray ayaa isugu jira kuwa Xoolaha ka Ganacsada iyo kuwa kale caadiga ah intaba,waxana xiliga la xirayay ay ku sugnaayeen Koontoroolka laga soo galo Magaalada sida aan Wararka ku helnay.

 

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka ay u tageen kadib markii loo yeeray isla markaana ay la kulmeen Al-Shabaab in kastoo aysan faah faahin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

Dad ku nool Magaalada Jowhar oo diiday in Magacooda iyo codkooda qalabka Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay warfidiyeenka u sheegen in Ganacsatada la xiray qaarkood ay ka mid yihiin kuwo Caanka ah gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan Jowhar.

Sikastaba weli wax war ah kama soo bixin Maamulka Hir-Shabeelle ee ku aadan xariga Ganacsatada,waxana horay u jirtay in Maamulku uu War ka soo saaray Ganacsatada la kulma Al-Shabaab iyo kuwa dacwadaha u aadaha Maxkamadahooda.