Ciidamada Maamulka Jubbaland Oo Sheegay In Ay Burbiriyeen Saldhigyo Al-Shabaab

Ciidamada Maamulka Jubbaland oo Garab ka helaya kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay Waaberigii waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhigyo dagaalyahsno ka tirsan Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo Wirkooy.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamadaas ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu bartilmaamedsaday Xarumo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buulogaduud ayaa sheegay in howlgalkaas uu suurtageliyay in Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ay dagaal kula wareegaan deegaanka Wirkoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab,isla markaana dhankooda uu kaga dhaawacmay hal Askari sida uu hadalka u dhigay.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan iskudaynay in aan la xiriirno ayaanan noo suurtagelin,iyada oo ay maanta aad u xun tahay isgaasriinta deegaanada uu howlgalka ka socdo.