Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland ayaa qabtay labo ruux oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo saaka dil ka geystay degmada Beledxaawo.
Raggaan ayaa la sheegay in ay nin lagu Magacaabo Bishaar Xareed oo ka mid ahaa Shaqaallaha dowladda Hoose ee degmada Baledxaawo dileen ka dibna ay isku dayeen in ay baxsaddaan laakiin gacanta lagu dhigay.
Cali Xasan Dheere taliyaha Nabadsuggida Jubbaland degmada Beledxaawo ayaa warbaahinta u sheegay in markii uu dilku dhacay ay bilaabeen howlgallo, islamarkaana ugu dambeyntii gacanta lagu soo bandhigay.
Waxaa uu sheegay in dhawaan sharciga la horkeeni doono, islamarkaana Ciidanka Nabadsuggida Jubbaland ay ka go’an tahay in ay gacanta kusoo dhiggaan Kooxaha dilalka ka geysta Magaalada Beledxaawo.