Ciidamada Maamulka KGS oo gacanta ku dhigay rag ka tirsan Shabaab

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa fiidnimadii xalay waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku qabteen Laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen raggan in sanadkii hore Magaalada Muqdisho ay ku dhaawaceen nin dhalinyaro ahaa, iyagoo sida la sheegay meyd ahaan uga tagey, balse dib laga ogaaday in uu nool yahay.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen ninkii ay dhaawaceen in ay uga daba tageen Magaalada Baydhabo, si ay ugu waxyeeleeyaan, xilli dhawaan ay khadka teleefanka uga soo hanjabeen in ay khaarajin doonaan.

Jimcihii ayay raggan iyo ninkii ay doon doonayeenba ay si lama filaan ah isugu arkayn suuqa weyn ee Baydhabo, waxaana dhacday in ninkaasi uu u qaylo dhaansado ciidan suuqa ku sugnaa, kuna wargeliyay in raggani ay Shabaab yihiin, isla-markaana uu doonayo in loo qabto, maadaama ay Muqdisho ugu gaysteen dhaawacyada uu hadda ka bogsaday.

Labadan nin oo xilligii la qabanayay aan wax hub ah aanan wadan ayaa si nabadgelyo ah isugu dhiibay ciidanka, kadib markii lagu amray inaanay wax dhaqdhaqaaqi ah samayn karin.

Ciidamada Booliska oo raggan lagu wareejiyay ayaa waxa ay u kaxeeyeen xarumaha hay’adaha amnigu ku leeyihiin magaalada Baydhabo, si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.