Ciidamada Mareykanka oo weerar ka fuliyay Sh/Hoose

Wararka aan ka heleyno degaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay saq dhexe uu ka dhacay weerar ay fuliyeen ciidan loo maleynayo inay ka tirsan kuwa dowladda Mareykanka.

Weerarkan oo ka dhacay duleedka degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeellaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ka tirsan Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inta uu halwgalka socday in ciidanka ay halkaasi ka kaxeysteen ilaa Saddex ruux oo ka mid ahaa dadka degaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka ciidanka ay la aadeen ragga ay kaxeysteen, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in la geeyay saldhigga Bali-doogle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.