Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen Haweenay Gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.
Howlgalkaan guuleystay ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ahaa in Alshabaabka Garan-waaga ah ee dadkeena ku dhex jirta, hadana ugaarsaneysa deg deg looga soo dhex saaro.
Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweenaydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.
Laamaha Aminga Muqdisho gaar ahaan Ciidamada Nabad sugida Qaranka ayaa wadda qorshayaal ay ku xaqiijineyso Amniga Caasimada Muqdisho, dhanka kale NISA ayaa fashilisay am aka hortagtay wareero ay AS doonayeen in ay ka fuliyaan Caasimada Muqdisho
