Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa howlgal ballaaran oo dhowr jiho ah ka fuliyay buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta Daacish. Howlgalkan oo ahaa mid si taxadar leh loo qorsheeyay ayaa lagu guuleystay in laga saaro argagaxisada Daacish deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan, kuwaas oo ahaa saldhigyo muhiim ah oo ay hore u maamulayeen.
Ciidanka ayaa intii uu socday hawlgalku la kulmay raadad cadeynaya jabka xooggan ee Daacish lagu gaarsiiyay goobahaasi. Waxay heleen gawaari iyo mootooyin burburay oo ay ku habsadeen duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay buuraha gobolka Bari. Sawirrada laga soo qaaday goobta dagaalka ayaa muujinaya khasaarihii culusaa ee kooxdan lagu gaarsiiyay, taasoo caddeyn u ah guusha ay ciidamada Daraawiishta Puntland ka gaareen dagaalkan.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deegaannada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Ujeedka hawlgalkan ayaa ah in la xoojiyo nabadda iyo amniga Puntland, lana sugo in kooxaha argagixisada ah aysan mar kale saldhigyo ka sameysan karin dhulkan istiraatiijiga ah.
Masuuliyiinta Puntland ayaa bogaadiyay guusha ciidamada Daraawiishta, iyaga oo xusay sida ay uga go’an tahay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah nabadda iyo horumarka gobolka. Dhinaca kale, shacabka deegaannada la xoreeyay ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, iyaga oo muujiyay taageeradooda ku aaddan dadaallada nabadeynta ee ciidamada Daraawiishtu wadaan.
Howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ayaa la filayaa in ay sii xoogeystaan maalmaha soo socda, maadaama ay Puntland ka go’an tahay sugidda amniga iyo ka hortagga khatarta kooxahan.




