Ciidamada Puntland oo howlgal ka fuliyay Buuraha gobolka

Ciidamada maamulka  Puntland ayaa howlgal waxa ay ka fuliyeen goobo ay ku tuhmaayeen in ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dagaallama gobolka Bari.

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Badda Puntland howlgallada ayaa badankooda waxa ay ka dhaceen dhulka Buuralayda ah ee gobolka Bari, sida Bali-khadar iyo Sugurre.

Saraakiisha ciidamada waxa ay sheegeen in ay howlgalkaasi ay qaadeen ka dib markii ay ka war heleen qaraxyo dhulka lagu aasaayo degaanada ka tirsan Buuraleyda.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidanka Badda la geliyey heegan buuxa kahor howgalka, waxaana khudbad ujeediyay taliyaha ciidanka Badda S/guuto Cabdirisaaq Diiriye.