Ciidamada Puntland Oo Xoojisay Howlgalada Ka Dhankaa Maandooriyaha.

Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Gobollada Mudug, Bari & Nugaal ka xoojiyay howlgallada ka dhanka ah walxaha maanka-dooriya si bulshada looga qabto saamaynta aanay u wanaagsaneen ay ka dhaxli karaan walxahaas.

Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in hoos u dhac wayn uu ka jiro isticmaalka iyo ka ganacsiga walxaha maanka-dooriya deegaannada Dowlad-Goboleedkaas balse loo baahan yahay in lasii dhammaystiro guud ahaan.

Ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xiray Dad ku eedeysan in ay ka ganacsanayeen iyo kuwa isticmaalayay walxaha maanka-dooriya waxaana lagu wadaa in dhowaan maxkamad lasoo taago.

Dhinaca kale, Hay’adaha Amniga Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kordhiyay goobaha hubinta Gaadiidka & Dadka la socda, waxa ay saraakiisha ciidankaas hoggaaminaya ay ku sheegeen arrintaan mid lagu xoojinayo nabadgalyada.