Ciidamada Ruushka oo Duqeymo ka fuliyey Magaalooyin badan oo ay kujirto Caasimada Dalka Ukrine.

Tiro Magaalooyin ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv ee Dalka Ukrine, ayaa waxaa lagu garaacay gantaallo badan oo ay fuliyeen ciidamada Raashka.

Caasimada  Kyiv, 11 gantaal iyo laba diyaaradood oo weerar ah ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada, sida ay shaaciyeen saraakiishu Dalkaasi.

Madaxa militariga ee magaalada Kyiv ayaa sheegay in tani ay tahay weerarkii ugu horeeyay ee gantaalada Ruushka lagu qaado caasimadda muddo 51 maalmood ah.

Sidoo kale qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Kremenchuk iyo Poltava, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Interfax.

Haweeney iyo ilmo saddex caruur ah ayaa lagu dilay magaalada Dnipro, sida uu sheegay duqa deegaanka,halka la cadeeyey in shan qof loo qaaday isbitaal.

Sawirro laga soo qaaday magaalada Uman ayaa muujinaya dhismo ka kooban sagaal dabaq oo aad u burburay .