Ciidamada Xasilinta Oo Howlgalo Ka Sameeyey Xaafad Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa howlgalka waxa ay ka fuliyeen xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafada towfiiq oo xalay laba qof lagu dilay.

Ciidamada ayaa guryaha qaar gelaya halka dad dhalinyaro u badan ay wadooyinka Xaafada towfiiiq ka qab qabteen sida ay Dalsan u sheegeen dadka Xaafada qaarkood oo aan la hadalnay.

Badi dadkii ay Ciidamadu qabteyn ayaa la sheegay in lasiidaayay halka qaarkood ay Ciidamadu wateen,waxaana jawiga Xaafada towfiiq oo intii howlgalka socday kacsaneyd ay haatan tahay mid degan.

Xalay fiidkii ayaa Kooxo hubeysan waxa ay Xaafada Hotel towfiiq we degmada Yaaqshiid ku dileen laba ruux oo mid ka mid ahaa Askari ,iyaga intaasi kadib Goobta ka baxsaday.