Ciidamada Xooga Dalka oo Kusii Jeeda Deegaano ay Gacanta Kuhayaan Kooxda AL-Shabaab…

Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka wada dhanka Mudug, waxayna ku dhow yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada isbaheysanaya ayaa kusii jeeda magaalada Caad oo hadda ah bartimaameedka koowaad ee qabashooda, halkaas oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Howlgalladaan ayaa waxaa barbar socda duqeymo xoogan oo ay diyaarado dagaal ku garaacaan dhulka howdka ah ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.