Ciidamada Xooga Dalka oo la Wareegay Degaano Cusub…

Ciidamada xoogga dalka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa galabta la wareegay deegaano cusub oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ayaa maanta howlgalo lagu guuleytay fuliyey goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray galabta.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Shabeelow.

Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaano muhiim ah oo Caad ay ku jirto.