Ciidamada Xooga dalka&Macawiisleyda oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Gobolka Galgaduud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah uga fuliyeen deegaanka Cooswayne ee gobolka Galgaduud ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana uu dhacay iska horimaad xooggan oo halkaasi ka dhacay, kaasoo sabab u noqday dhimashada xubno ka tirsanaa kooxda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga ayaa tilmaamay in duullaanka uu ku saleysnaa xog sugan iyo sahanno hore oo la sameeyay, taasoo suurtagelisay in si toos ah loo beegsado xarumo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro muujinaya goobaha weerarku ka dhacay, iyagoo sheegay in ujeeddadii howlgalka la gaaray.