ciidamada xooga iyo kuwa burundi oo howlgalo kawada duleedka balcad.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa maanta ka dhaqaaqay degmada Balcad, ayaga oo isku fidiyay hareeraha magaaladaas oo ku taalla waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Ciidamada howlgallada wada ayaa waxaa horkacaya saddex xiddigle Xasan Cali iyo taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS.

Ujeedka ayaa ah in laga hortego weerarada ay halkaas kasoo abaabulaan Al-Shabaab, maadaama lagu jiro bisha Ramadaan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada wajiga koowaad ee dagaalka dowladda lagu jebiyay Al-Shabaab oo inta badan laga xoreeyay gobolkaasi.