Ciidamada Xoogga dalka oo dib ula wareegay deegaanka Cali-fooldheere.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ay dib ula wareegeen deegaanka Cali-fooldheere ee gobolkaasi, halkaas oo shalay lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa xalay saq-dhexe dib ugu laabtay deegaankaas oo hoostaga degmada Mahadaay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ma jiro wax dagaal ah oo goobta ka dhacay, waxayna ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaas oo shalay ay gudaha usoo galeen xubno Al-Shabaab.

“Xalay ayaan kusoo mirnay annaga oo ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka deegaanka, haddana gacanta ayaa ku heynaa, waxaana kaala soo hadlayaa Califooldheere” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xoogaga Al-Shabaab ay shalay soo galay deegaanka ay ahaayeen xubno doonayay lacago Zakawaat ah iyo inay dhacaan dadka deegaanla.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka wadaan halkaasi, si looga hortego Al-Shabaab.