Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee GorGor ayaa howlgal qorsheysan la sheegay inay ku burburiyeen fariisimo ay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa la dagaalanka Al-Shabaab iyo burburinta goobaha ay ku sugan yihiin.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Al-Shabaab, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.