Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay Tuulada Kawaan

  • Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Qeybta 43aad iyo Ciidanka Jubbaland ayaa Barqadii Maanta Waxa ay Weerar ku qaadeen Tuulooyin Hoostaga dagmada Jamaame oo ay Ka mid tahay Tuulada Kawan oo u dhaw degaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose.“Degaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen xubno Al-Shabaab ka tirsan ayaa Waxaa Ka War Helay Taliska Qeybta 43aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland Waxa Halkaasi ka Dhacay Dagaal Nabad Diidka Al-Shabaab Qaasaro lagu gaarsiiyay isla markaasina looga saaray tuulada kawan oo Hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Iyo Ciidanka Jubaland” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska qeybta 43-aad.

    Ciidanka dalka ayaa sidoo kale sheegay in  Al-Shabaab  dagaalka looga qabsaday Qoryo gaaraya Sadex Qore oo ah AK47.

    Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal  oo ka mid ah Saraakiishka Ciidanka Hoggaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu qabsaday Tuulada Kawan Oo hoos tagta dagmada Jamaame uu ahaa mid qorsheysan.