Ciidamada Xoogga oo la wareegay degaano ka tirsan Jubbooyinka

Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay maanta Weerar ku qaadeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo horay ay Shabaab u joogeen.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Jubbaland, ayaa Waxa ay  la wareegeen degaan ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa sheegay in ay dagaal kula wareegeen  degaanka Muuse Xaaji oo ku yaalla duleedka degaanka Sanguuni.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay markii ay gaareen degaanka Muuse Xaaji in halkaasi ay kula kulmeen xubno Shabaab ka tirsan oo dagaal halkaasi uu ku dhexmaray.

Illaa saddex askari oo Shabaab ka tirsanaa ayeey sheegeen Saraakiisha inay halkaasi ku dileen, halka dhanka ciidamada Jubbaland la sheegay inay ka dhaawacmeen askar gaareysa illaa afar askari.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Jubbooyinka ku amray inay qaadaan hawlgalo ka dhan ah Shabaab.