Ciidamada Yuhuudda oo duqeeyay Caasimadda Suuriya

Wakaaladda Wararka dalka Suuriya ayaa shaacisay in Saaka Aroorkii ciidamada Yuhuudda ay Gantaallo kusoo rideen meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dimishiq.

Garoonka ayaa waxaa ku sugnaa xilligaasi ka diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Iiraan.

Lama xaqiijin Wali Khasaaraha ka dhashay Gantaallada lagu dhuftay meel Saldhig ah oo u dhow Caasimadda Suuriya.

Ciidamada Suuriya waxa ay sheegeen in ilaa iyo hadda aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi,laakiin ay bixin doonaan Jawaab.

Afhayeen u hadlay dowladda Israaiil ayaa beeniyay in ciidamada Isra’iil ay ka dambeeyeen duqeyntaasi, waxaana uu sheegay in aysan jirin weerar ay halkaasi ku qaadeen.