Ciidamadda Dowladda oo howlgal ka sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo iyo dhaq dhaqaayo Ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada oo dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay haatan howlgallo ka wadaan meel u dhow Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale,halkaas oo ay ku xoogan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaannada ay howlgallada ka socdaan ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in ay Al-Shabaab bilaabeen inay isaga baxaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, in kastoo aan weli la helin warar madax bannaan oo Warkaasi xaqiijinaya.

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi waxaa uu ku darey in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale ay aadeen dhinaca deegaannada Gobolka Jubbada dhexe ay ka maamulaan.

Ciidanka Dowladda ayaa horey ula wareegay degmooyin iyo tuulooin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dowladdu sheegtay in qorsuhu yahay la wareegitaanka degmada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.