Ciidamao Katirsan Dowlada Kenya Oo Qarax lala Eegtay

Ciidamo ka tirsan Milltariga dalka Kenya ayaa qarax khasaare dhaliyay waxaa lagula eegtay deegaan hoosyimaada magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay tilmaameen inay qarax la heleen gaari nuuca Kooyalka loo yaqaan oo marayay wadada xiriirisa Yad iyo Lamu.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen in gabi ahaanba uu burburay gaariga la beegsaday, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii saarnaa gaariga.

Ilaa hadda saraakiisha ciidamada Kenya kama aanay hadlin qaraxan ay Ururka Al Shabaab sheegteen inay khasaare ku gaarsiiyeen ciidanka Millatariga Kenya.

Ururka Al Shabaab ayaa qalqal xoogan geliyay amniga guud ee dalkaasi Kenya, tan iyo markii ciidanka Millatariga Kenya ay gudaha u soo galeen gobolada Koonfurta Soomaaliya, daba-yaaqadii sanadkii 2011-ka.