Ciidamo Ajaanib ah Oo Weerar Ku Qaaday G/Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Weerarkaas oo isugu jiray cir iyo dhul lagu qaaday Xarumo waaweyn oo Ururka Al-Shaabab ku leeyihiin deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in ay qeyb ka aheyd duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen diyaarado dagaal,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay sheegeen in lagu dilay weerarkaas 8 Ruux oo ay ku jiran saraakiil, in kastoo warar madax banaan oo xaqiijinaya aan weli la helin.

Xaalada deegaanka Gamboole ayaa saakay ka duwan sidii shalay,waxaana la sheegay in Al-Shabaab dhankooda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan maadaama xalay weerar cir iyo dhul ah ay deegaankaasi xalay ku qaadeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin weerarkas xalay lagu qaaday Saldhigyo ay ku leeytihiin deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha hoose.