Ciidamo Boob Kula Dhaqaaqay Xaruntii Tababarka Imaaraadka Ee Muqdisho

Saraakiishii tababarayaasha ahaa eek u sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu xumaaday xiriirii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Warar ay heshay warbahinta ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii ay horay u tababareen Imaaraadka ay ka warheleen bixitaanka Saraakiisha Imaaraadka,isla markaana ay bilaabeen in ay boobaan Agab ay lahaayeen Saraakiisha Imaaraadka,sida Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka iyo Gaadiid kale.

Dad ka agdhow Xarunta Tababarka ayaa waxa ay warbaahinta  u sheegeen in  ay arkayeen Ciidamo wata Agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xarunta ay ku lahaayeen Degmada Hodan.

Tallaabada ay uga baxeyn Saraakiisha Imaaradka eek u sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale dhawan ka baxeyn Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso wallow Madaxweyne Cabduweli Gaas uu Maanta beeniyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.