Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa diyaargarowgii ugu dambeeyay ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Booliska, ayaa la wareegay dhammaan goobaha codbixinta si ay u xaqiijiyaan ammaankooda.
Dadweynaha iyo dhammaan musharraxiinta ayaa isu diyaarinaya ka-qaybgalka doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka.
Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa diyaariyey dhammaan goobaha, agabka iyo hawlwadeennadii ka shaqayn lahaa habsami u socodka doorashada.
Maalinta barri ah, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Gobolka Banaadir, waxay u tahay maalin dahabi ah oo lagu xaqiijinayo mid ka mid ah xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.