Ciidamo cusub tababar loo sooxiray+sawiro

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Tababar u soo xirtay ciidamo cusub, kuwaasoo lagu tababaray Xeradda Ciidamada Turkiga ee lagu Magacaabo Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh , Taliyaha Ciidamada xoogga Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod iyo Wasiirka Difaaca.

Ciidamadaan oo ah Saraakiil da’yar ayaa Muddo waxaa tababar siinaayay Ciidamo turki ah.

Tiradda Ciidamada Tababarka loo soo xiray ayaa ah 47 Sarkaal.

Mas’uliyiintii goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga dadaallada ay ku xoojinayso dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.