Ciidamo Dalka turkiga Tababar Ugu Soo idladay Oo Soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fadaralka Soomaaliya oo ay wehliyaan Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga

Ciidanka Soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa Mudo ku dhaw sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen gudaha dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamadaan kaga Mahadceliyay qaabka Wanaagsan ay tababarka u qaateen mudadii ay joogeen dalka Turkiga

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowladda Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.