Ciidamo Farabadan Oo Saaka Lagu Arkayo Wadooyinka Garowe

Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland la dhigay Wadooyinka iyo Xaafadaha Magaaladaas.

Ciidamadaan oo u badan Boolis ayaa la sheegay inay sugayaan Amniga munaasabad loogu dabaal-degayo sanad-guurdii 21aad oo ku beegan markii la Aas-aasay Dowlad goboleedka Puntland 4-tii Bisha Agoosto Sanadkaan 2019 taas oo la filayo in lagu qabto Magalada Garoowe.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Ciidamada ay yihiin kuwo heegan ku jira,isla markaana mararka qaar ay baaritaan ku sameynayaan Gaadiidka iyo qofkii ay ka shakiyaan.

Magaalada Garoowe ayaa siweyn looga dareemayaa u dabaal-degida 21-guurdii kasoo wareegtay Aas-aaskii Maamulka Puntland,waxaana munaasabada ka qeyb geli doona madax badan,waxaana munaasabadii la soo dhaafay ee sanadkii 2018 ka qeyb galay Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Amniga Guud ee magalada Groowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ciidamada lagu daadiyay wadooyinka ay wadaan dhaq dhaqaaq ku aadan sugida Amniga,waxana Magalada Garoowe ay ka mid tahay magaalooyinka ugu Amniga wanaagsan deegaannada Puntland.