Ciidamada Danab ee Puntland oo kasoo horjeeda dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay la wareegay koontaroolka koofureed ee magaalada Garowe laga soo galo.
Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada la wareegay controlka oo Kornayl Jimcaale Takar uu ka mid yahay ayaa horay uga soo hor jeestay doorashadii Garowe ka dhacay 8-dii bishan Janaayo.
Ciidamadaan oo ka soo horjeeda in magaalada Garowe lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa caawa shaaciyey inay qabsadeen koontoolkii ugu muhiimsanaa ee laga soo gelayey magaalada.
Dhinaca kale dowlad goboleedka ilaa hadda kama aysan hadal talaabadan ay qaadeen ciidamadan gadoodsan ee Danab-ta ka howlgasha Puntland.
Xaaladda aagga koontrolkaasi uu ku yaalo ayaa caawa cabsi ah, waxaana laga baqayaa in Puntland ay adeegsato awood ciidan, si maamulka Controlka ay u soo ceshato.
Dhawaan waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto caleemo saarka madaxweynaha Puntland oo 8-dii bishaan dib loo doortay, Deni ayaa tartankii doorashada uga adkaaday 10 musharax oo kale.