Ciidamo gadoodsan Oo La Wareegay Bartii Canshuuraha Ee Ceel-Cadde

Ciidamo Milatari ah oo ka howlgala gobalka Sh/dhexe ayaa la wareegay Koontoroolkii lagu qaadi jiray Canshuuraha ee ku yaalay deeganka Ceel-Cadde ee gobalka Sh/dhexe kadib markii ay weerareen ciidamadii fariisinka ku lahaa halkaas ee qaadi jiray Canshuuraha uu qaado maamulka Hir-shabeelle,waxaana la sheegay in halkaas ay dhaceen Lacag aad u fara badan.
Bartaan Koontorool ee Ciidankaan Milaratiga ah ay weerareen ayaa aheyd Fariisinkii ugu waynaa ee lacagaha Canshuuraha ah looga qaadi jiray gaadiidka xamuulka ah ee ka kala yimaada Gal-gaduud iyo Shabeelaha Dhexe,Waxaana halkaas ka tagan xiisad ka dhalatay arintaan.

Ciidankaan la wareegay Koontoroolka ayaa la sheegay in ay hogaaminayeen Saraakiil ka tisan Milateriga gaar ahaana qaybta 27-aad iyaga oo halkaas ka qaatay lacag dhan 170 Milyan oo Shilin Soomali ah oo la uruuriyay hal maalin,Sidoo kalana waxa ay goobta ka eryeen Saraakiishii iyo Ciidamadii kale ee qaadayay Canshuuraha Maamulka.

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegay in falkaas ay masuul ka ahaayeen Taliyaasha Horin iyo Urur oo magacyadooda uu ku kala sheegay C/kariin Xasan Gacameey iyo iyo Sargaal kale oo la magaciisa lagu soo koobay C/rashiid.