Ciidamo Gadoodsan Oo lawareegay Bangigii dhexe Ee Bosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa mamulka Puntland oo gadoodsan ay la wareegeen Xarunta Bankiga dhexe Boosaaso.

Ciidamada la wareegay Xarunta Bankiga dhexe Boosaaso ayaa waxaa la sheegay inay ka cabanayaan Mushaar la’aan soo wajahday Bilooyinkii ugu dambeeyay,isla markaan saakay waabarigii horey halkaasi la wareegeen.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Ciidamada ay rasaas kor u ridayeen,isla markaana waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo ganacsigii ku yaallay Nawaaxiga Xarunta lala wareegay,hayeeshee markii dib uu dib ayuu u soo laabtay.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ku sgan halkaasi ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii godoodsanaa ee saakay la wareegay Xarunta Bankiga dhexe Magaalada Boosaaso ay dib uga laabteen,kadib markii loo balan qaaday in la siin doono Mushaaraadkooda ay xaqqa u leeyihiin.

Xaaladda guud ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa haatan waxa ay tahay mid degan,iyadoo waaberigii hore dadka deegaanka la sheegay inay dareemeem Cabsi,kadib markii ay maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamadii Gadoodka sameeyay.