Ciidamo Ka qayb galaya Dhoolatus Dalka Dibadiisa ah Oo Muqdisho ka baxay.

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde waxaa maanta ka ambabaxay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn uga qayb-galaya dalka dibaddiisa, kadib burburkii dalkeenna.

Dhoolatuskan oo ay ka qayb-galayaan dowlado kala duwan ayaa waxaa Soomaaliya ku metalaya saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Danab oo maanta laga sagootiyay Muqdisho.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ayaa ciidamadan kula hadlay garoonka, iyaga oo kula dardaarmay inay si wanaagsan u metalaan Soomaaliya iyo dowladeeda.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay u yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay dhalinyaro gaar ah oo metali doono Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay guul usoo hooyaan dhammaan ciidamada kale.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.