Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed (Tifow ) ayaa maanta Tababar u soo xirey Dufcadii 12aad ee Ciidanka Xoogga DALKA, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay Xerada UK ee magaalada Baydhabo
Ciidamada oo kamid noqonaya Ciidamada Ururada 51aad 260aad ee Guutada 9aad Qeybta 60aad, waxaana tababarka siinayay Saraakiil ka socotay dowladda UK oo dhaqaalaha ku baxaya bixineysa.